Salaam Somali Bank oo maalgelinta Qardu Xasan siiyay Ganacsato yaryar

0

MUQDISHO [SMN] – Salaam Somali Bank ayaa ganacsatada yar yar siiyay Maanta lacag maalgelin ah, oo qeyb ka ah barnaamijka Qardu Xasan, ee loogu tala galay in kor loogu qaado dhaqaalaha ganacsatada soo koraysa ee dalka.

Xarunta uu Bangiga ku leeyahay Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho ayaa lacagta maal-gelinta ah siiyay tobanaan ganacsato ah, oo isugu jira rag iyo dumar.

Ka faa’iidaystayaasha ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin oo ay aad uga mahadcelinayaan Salaam Somali bank inay helaan taageerada ka caawin karta inay gaaraan hadafkooda horumarka ganacsi.

Bangigu waxuu muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu kor u qaado nolosha dadka, iyadoo uu taageero ganacsatada yaryar, oo uu siinayo maalgelin aan faa’ido laga rabin.

Maamulka Bankiga ayaa sidoo kale ballan qaaday in la gaarsiin doono Maalgelinta Qardu Xasan dhammaan gobollada dalka, iyadoo ay jiraan degmooyin horey looga bixiyay.

Muuqaalo laga soo duubay ganacsiga dadkii horey uga faa’ideystay Qardu Xasan, oo ku kala sugan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya, ayaa muujinaya in ay sameeyeen kobac dhaqaale, taas oo ay ugu wacan tahay taageerada bankiga ee waqtiga loo baahan yahay ku timid.

Hoos ka daawo Sawiradda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here