Saraakiil ka mid ah HirShabelle oo qaatay tababar la xiriira sharciyda

0

Konton iyo lix sarkaal oo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa qaatay tababar socday muddo shan maalmood ah,kaas oo ku saabsanaa ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta,gaar ahaan xilliyada  Doorashada.

Saraakiishaan oo sidoo kale qaatay daruus la xiriirtay maareynta nidaamka dadweynaha,waxa  laga soo kala xulay saldhigyada kala duwan ee Boliiska magaalada Jowhar, waxaana ciidamadaasi ku jiray 15 sarkaal oo haween ah.

Tababarkaan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo qeybta Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa diiradda lagu saaray xakameynta dadka, maareynta rabshadaha iyo bannaanbaxyada.

AMISOM ayaa waxaa  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka taageeraan dhanka tababarka iyo la talinta si ciidamada ay u helaan awoodda ay ku maareeyaan sharciga iyo kala dambeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here