Saraakiil ka socota dowladda Soomaaliya oo gaaray degmada Baraawe

0

Wafdi Saraakiil ah uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta 60aad ee CXDS Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Gaarey Degmada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Taliyaha iyo Wafdigiisa ayaa Waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka , Maamulka Degmada iyo Mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedka safarkooda uu salka ku haayo inay u kuurgalaan xaaladda Ciidamada ku sugan degmada Baraawe iyo xaaladaha kale ee kajira degmada sida Nabadgelyada, waxa una Kulan is xog wareysi ah la qaatey Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee Ku sugan Baraawe si loo Dardar geliyo Ladagaalanka Kooxda Nabadiidka Alshabab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here