Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

0

Idiris Cabdullahi Macalin oo ku magac-dheere (Food Cade)  oo muddo 7-Sano ka tirsanaa  Al-Shabab ayaa maanta  isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed t,eybta 60-Aad ee ka howl-gasha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa ilaalinta xabsiyada ,isaga oo haatan ka soo goostey  dhinaca degmada Xarardheer oo ka tirsan gobolka Mudug.

Sidoo kale Food Cadde ayaa ugu baaqay saaxibadiisa weli ku jira Al-Shabaab inay isaga soo baxaan, isla-markaana ay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here