Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab ‘oo howl-gal lagu dilay’ + Magaca

0

Ciiddamo gaar ah oo ka tirsan xoogga dalka ayaa xalay deegaanka Daarusalaam oo hoos taga degmada Cadale ee  Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay Maxamed Cabdi Suubiye (Toosow) oo la sheegay inuu ka tirsanaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusu Raage ayaa warbaahinta u sheegay in Howlgal qorsheysan lagu Khaarijiyay sarkaalkaasi, kadib howl-gal ay ciidamadu ka sameeyeen aagga Masaajid Cali Gaduud.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here