Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka oo lagu dilay degmada Dayniile

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo ay saaka koox hubeysan ka geysatay xaafadda Sii Sii oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka, kaas oo lagu magacaabi jiray Genaral Cabdullahi Xusen Warsame (Waran).

Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta ka baxsadeen waxayna wateen Mooto Fekon ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee dowladda Soomaaliya Soomaaliya, kuwaas oo howlgallo ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay, balse ma jiro wax faahfaahin ah oo ay ka bixiyeen dhacdadaas iyo kadib howlgallada ay sameeyeen.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here