Sawirro: AFRICOM oo Gaadiid dagaal ku wareejisay Taliska Ciidanka xoogga dalka

0

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika oo loo yaqaan ( AFRICOM) ayaa Maanta Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku wareejiyay Gaadiid dagaal oo noocya kala duwan leh.

Munaasabad kooban oo Gaadiidan lagu wareejinayay Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Janeraal Odawaa Yuusuf Raage, Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka iyo Taliska AFRICOM.

Gadiidkan Maanta lagu wareejiyay Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka kumandooska DANAB  ee Xoogga dalka, kuwaas oo dagaal adag kula jira xoogaga Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage aya uga mahad celiyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkaan ay kusoo wareejiyeen, isaga oo sheegay in Ciidamada DANAB sidii loogu talo galay ay ugu Shaqeyn doonaan Gawaaridaan.

Sarakiil u hadashay Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika ee AFRCOM ayaa sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo inta badan Gobolada dalka ka wada howlgallo ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here