Sawirro: Axmed Karaash oo guddoomiyey shir ka dhacay Garoowe

0

GAROOWE (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka maamul baahinta Puntland.

Shirka oo ay kasoo qayb galeen Wasiirada wasaaradaha bah-wadaagta la ah mashruuca maamul baahinta Puntland ayaa looga hadlay xaalada maamul baahinta Puntland, dib-u-milicsi lagu sameeyey maxsuulka kasoo baxay shirkii IMC-da ee qabsoomay 20kii June 2022 iyo soo jeedinta xeer-nidaamiyaha wareejinta lacagaha (Inter-governmental Fiscal Transfer IGFT Regulation) oo ah xeer loogu tala-galay maareynta wareejinta lacagaha ay dowladda dhexe u wareejiso dowladdaha hoose.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here