Sawirro: Axmed Karaash oo guddoomiyey shirka golaha amniga Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xalay Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Amniga ee dowlad goboleedka Puntland.

Shirka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay Amniga guud ee Puntland, ayada oo warbixino laga dhegaystay xubnaha guddiga.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Agaasimaha  Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Puntland (PISA), Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska iyo sidoo kale La-taliyeyaal Amni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here