Axmed Madoobe oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada Jubbaland

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada maamulkaasi.

Shirka oo ah mid todobaadle ah ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Amniga, muranada ka yimaada dhulalka ay sharciyaysay Hay’ada dhul bixinta, Tayada maciishada iyo furfurnaanta ganacsiga noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa kulanka golaha wasiirada maanta akhrintii koobaad maray xeerka isgaarsiinta Dowlada Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta.

Halkan hoose ka daawo Sawirrrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here