Sawirro: Axmed Madoobe oo kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa galabta xarunta Madaxtooyada ee dalkiisa ku qaabilay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqashada ku joogo Jabuuti.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa dowlada iyo shacabka Jabuuti uga mahad celiyay tageerada walaalnimo ee ay la garab taagan yihiin Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa Madaxweynaha Jabuuti ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada taariikhiga ah ee ay ku joogaan Jabuuti.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay taageerada dhinacyada kala duwan ah ee ay dowlada Jabuuti la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada hormarka iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here