Sawirro: Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socda Turkiga + ujeedka

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Safiir kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya mudane Ismail Emre Kosif, iyo xubno kale oo ay kamid yihiin  saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha Turkiga, Hay’ada bisha cas iyo howlwadeenada  Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubaland iyo doorka ay ka qaadanayso Dowlada Turkiga gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaalaysan iyadoo si hordhac ah ay hay’ada bisha cas ee turkiga raashin qeybin uga bilowday meelaha qaar.

Axmed Madoobe ayaa Dowlada Turkiga uga mahad celiyay jawaabta ilaa hada ay ka bixiyeen baaqii Dowlada Jubaland ay u dirtay bulshada Caalamka ee la xiriiray gurmadka abaaraha ka jira Jubaland.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here