MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, halkan oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga oo bari ka furmi doona Muqdisho.
Masuuliyiinta katirsan labada gole ee Dowlada Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.