Sawirro: Bayle oo kulan la qaatay wasiirada maaliyadda ee Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa  kulan kula qaatay Aaladda Foggaan arag qaar kamid ah Wasiirada Maaliyadda Wadamada Afrika.

“Maanta waxa aan ka qeybgalay shir aad iyo aad muhiim u ah oo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Afrika iyo Maamulaha Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF. Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay guddiga dhaqaalaha UN-ka ee Afrika, Waxa aan ka doodnay sidii looga soo kaban lahaa saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ee COVID-19, Qaarad ahaan iyo dal ahaan, Hey’adda IMF waxa ay ka taageereysaa saameynta iyo dhibaatada dhaqaalaha dalal badan oo ay Soomaaliya ku jirto” ayuu yiri wasiir Beyle.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here