Sawirro: Cali Guudlaawe oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee HirShabelle

0

JOWHAR (SMN) – MadaxweynahaHirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe iyo duubabka dhaqanka ayaa iska xog waraystay xaaladaha guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay duubabka doorka muuqda ay ku lahaayeen dhismihii Dowladda Hirshabeelle iyo doorkii muuqda a6 ku lahaayeen dowlad dhiskii Soomaaliya, isagoo u sheegay inay door muuqda ku yeelan doonaan doorashada Golaha Shacabka oo si daah furan uga qabsoomi doonta Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here