Sawirro: Ciid oo dardaaran culus u jeediyay guddiga doorashada Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa Qasriga Madaxtooyada uga qeyb galay, munaasabad casho sharaf ah oo lagu dhaarinayay Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka oo kula dardaarmay xubnaha Guddiga in ay la yimaadaan hufnaan iyo karti ay ku gutaan waajibaadka saaran ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Galmudug ay tallaabooyin miro-dhal ah u qaadeen dhanka dowlad dhiska, maamul daadajinta iyo dimuqraadiyadda.

Munaasabadda dhaarinta Guddoonka iyo xubnaha Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Galmudug waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baaralamaanka Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal, Xeer ilaaliyaha Galmudug, Wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here