Sawirro: Ciidamada ammaanka oo rag burcad ah ku qabtay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan oo ay sameeyeen ciidamada Booliska ee degmada Howlwadaag ayaa waxaa lagu soo qabtay laba nin oo burcad ahaa, kuwaas oo dhac u geysanayey shacabka.

Qoraal kasoo baxay Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in raggan lagu xiray saldhigga Howlwadaag, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag.

“Ciidanka Booliska qeybta guud gaar ahaan ciidanka saldhigga Degmada Howlwaddaag oo gudanaya waajibkooda shaqo ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo ka mid ah burcad hubaysan oo dhac u geysta dadka deggan xaafadaha kala duwan ee Degmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir. Ciidanka ayaa labadaan nin ka qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaraha fiidnimadii hore ee caawa, iyaga oo dadka ku dhacayay Middiyo iyo waxyaabo la mid ah,’ ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Maalin kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale 4 nin oo burcad ahaa, kuna hubeysnaa qoryaha AK47 lagu soo qabtay howlgal ay Booliska ka sameeyeen degmada Heliwaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday howlgallo ballaaran oo ay sameynayaan ciidanka Booliska iyo kuwa NISA, si loooga hortago falalka amni darrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here