Sawirro: Ciidamada Xoogga oo deegaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

0

WAAJID (SMN) – Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan ururka 260-aad, guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa maanta howlgallo ka sameeyey deegaano hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaciyey in howlgalladaas lagu burburiyey fariisamo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaannada Madfooday, Kawo, Guuro iyo Tuulooyin kale.

Sidoo kale saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay deegaanadaasi ka saareen, isla-markaana ay haatan wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

Gobollada Baay, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud aya waxaa ka soconayo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana howlgalladaas qayb ka ah maleeshiyaadka Macawiisleyda.

    

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here