Sawirro: Ciidamada Xoogga iyo AMISOM oo kawada hadlay xoojinta ammaanka

0

Shir labo maalmood uga socdey Taliska Ciidanka AMISOM iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa la isku afgartey oo ku soo gabagaboobey in taliska Ciidamada xoogga dalka  ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa ciidanka xoogga dalka iyo Amisom .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku booriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan ay noqdaan kuwa laga miro dhaliyo oo aysan qoraal ku koobneyn si looga hortego weerarada Al-Shabaab.

“Waxaa loo baahanyahay qorshaan inuu noqdo miro dhal si dalka looga saaro argagixisada dhibaatooyinka ku haya shacabka waana muhiim inaan si wadajir ah uga shaqeyno”

Dhankooda hogaanka ciidamada amison ayaa soo dhaweeyay waxaana ay sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab oo qeyb-ka ah waxyaabaha loo ekmday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here