Sawirro: Ciidamo ka socda Nigeria oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa soo gaaray Muqdisho 160 askari oo ka tirsan Booliska Nigeria, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya Ciidamada ATMIS, qeybta booliska, oo taageero tababar iyo la talin u fidin doona Booliska Soomaaliyeed si waafaqsan qorshaha kala guurka ee Soomaaliya.

Ciidanka yimid ayaa bedelaya kuwa kale, oo loo yaqaan Nigeria Formed Police Unit 10, kuwaas oo dhawaan ku laabtay Nigeria ka dib markii ay soo gabagabeeyeen howlgalkooda shaqo oo ay ka mid ahaayeen in ay gacan ka geystaan sugidda amniga intii lagu jiray doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxweynaha ee Soomaaliya.Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Qaybta Booliska ee ATMIS waxay yeelan doontaa 1, 040 askari, oo ay ku jiraan shan Unug Booliis oo la Sameeyay, waxayna shaqeyn doonaan illaa Diseembar 2024.

Waxaa la filayaa inay taageeraan tababarada gaarka ah iyo la-talinta Ciidanka booliska Soomaaliya.

Ku-xigeenka Taliyaha Booliska, Fidelix Jonah Awu, oo hoggaaminayey kooxda imaanaysa inay doorkooda ka qaataan horumarinta sharciga iyo kala dambeynta iyo dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Tani waa unuggii kow iyo tobnaad ee booliiska Nigeria ee loo diro Soomaaliya tan iyo 2012. Waddamada bilayska ku deeqay ATMIS waa Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia kuwaas oo la geeyay dhammaan shanta qaybood ee hawlgalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here