Sawirro: Dab khasaare hantiyeed geystay oo ka kacay magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Faaahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay suuqa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dabka oo ka kacay qaybta shidaalka ee suuqa Kismaayo ayaa baabi’iyey hanti fara badan, waxaana gubtay illaa todobo bakhaar, balse waxaa mar dambe oo saq-dhexe ah lagu guuleystay in la damiyo dabka. sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland  Maxamuud Sayid Aadan oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay saameynta ka dhalatay dabkaasi, isaga oo shaaciyey in uu xanuunka la qaybsanayo ganacsatada reer Kismaayo.

“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada reer Kismaayo ee hantidoodii ku gubatay dabkii ka kacay suuqa Kismaayo, dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa dhankiisa ka hadlay dabka ka kacay Kismaayo isaga oo u mahadceliyey shacabka iyo mas’uuliyiinta dadaalka sameeyey..

“Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here