Sawirro: Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay qoysas ku nool Gaalkacyo

0

Maamulka dagmada Galkacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Deeqdaan oo ka timid hay’adda Boqar Salmaan ee boqartooyada Sucuudi Carabiya  isla markaana magaalada Gaalkacyo ay soo gaarsiiyeen masuuliyiin ka socatay ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa waxaa ka faa’ideeystay ilaa sideed boqol oo qoys oo danyar ah kuwaas oo sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka dagmada Gaalkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi ay heysteen dhibaatooyin la xariira dhanka nolasha

Dr Axmed Faarax Muuse madaxa mashaariicda ururka iskaashiga islaamka ee OIC ayaa isna uga mahad celiyay maaamulka dagmada Gaalkacyo ee Galmudug sida ay ugala shaqeeyeen in deeqda la gaarsiiyo qoysaska ugu liita dhanka nolasha ee ku nool magaalada Galkacyo gaar ahaan dhanka maamulka Galmudug.

Qoysaskii deeqda ka faa’iideeystay xubno u hadlay ayaa iyaguna dhankooda ka duceeyay deeqda maanta loo qeybiyay iyagoona xusay in ay baahi weyn ay u qabeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here