Sawirro: Deni oo daah-furay Kalfadhigga 48-aad ee baarlamaanka Puntland

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si waafaqsan Dastuurka Puntland qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad, wuxuu maanta furay Kalfadhigga 48-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Hadaljeedintiisa Dastuuriga ah wuxuu Madaxweynuhu Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka guuleystay ee laga sameeyay dhinacyada Amniga, Dimuqraadiyadda Puntland, arrimaha bulshada, Kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta degmooyinka iyo Doorka Puntland ee Arrimaha Federaalka iyo Doorashada Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here