Sawirro: DF oo ka warbixisay dib u dhiska wadada Muqdisho & Jowhar

0

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahiyay halka ay marayaan mashaariicda dib u dhiska waddooyinka Muqdisho, Jowhar iyo Afgooye, isagoo dhanka kale xusay in uu socdo mashruuc gobolada lagu gaarsiinayo dhismaha waddooyinka ah.

Waxaa si habsami leh u soconaya mashaariic horumarineed oo la xiriira dib u dhiska Dalka oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ka mid ah Wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, Muqdisho iyo Jowhar, iyadoo dhanklena uu socdo mashruuc gobolada lagu gaarsiinayo dhismaha waddooyinka.

Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Maxamed Soomaali) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in mashaariicda kala duwan oo ay dowladda Soomaaliya ka wada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobolada Dalka uu yahay kuwa dib u habeyn casri ah lagu sameynayo waddooyinka caasimadda iyo gobolada kale ee dalka isku xira.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ah goobtii ugu horeysay ee laga bilaabay dib u dhis, taasi oo haatan meel gebo gebo ah mareyso, balse dhismaha waddad Jowhar iyo Muqdisho oo marin muhiim ah ayaa dhawaan si rasmi ah looga bilaabay dib u dhis, si looga jawaabo dhibaatooyinka bulshadu ay ku qabaan isticmaalka wadadaasi.

Marka laga soo tago dib u dhiska wadooyinka waxaa jirta baahi loo qabo sidii loo ilaalin lahaa horumarka danta guud, wasiirka ayaa sheegay in bulshadu ay mas’uuliyad ka saraan tahay sidii ay u ilaashan lahaayeen adeegyada danta aguud, lagana fogaado waxkasta oo dib u dhac keeni kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here