Sawirro: Dibad-bax rabshado wata oo maanta ka dhacay degmada Beledxaawo

0

BELEDXAAWO (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan degmada Beledxaawo ayaa maanta dibad-bax rabshado watay ka dhigay gudaha degmadaas oo ka tirsan gobolka Gedo.

Dibad-baxayaasha ayaa ka cabanayey dhalinyaro ay ciidamada Nabad Sugidda ku xir-xireen gudaha magaalada Beledxaawo, kadib howlgallo ay ka sameeyeen halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dibad-baxayaasha ay taayaro ku gubeen waddooyinka waa weyn ee Beledxaaweo, sidoo kalena ay gudaha u galeen xarunta maamulka degmada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada NISA ay dadkaasi u adeegsadeen rasaas, si ay u kal eryaan, taas oo sababtay khasaare u badan dhaawac.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaase haatan socda dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka oo lagu qaboojinayo xiisadda haatan ka taagan degmada Beledxaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here