Sawirro: Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo heshiis cusub kala saxiiday

0

ADDIS ABABA (SMN) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa, kadib kulan dhexmaray taliyaha Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo dhiggiisa dalka Ethiopia Jeneraal Damelesh Garbamichel..

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay inay yeeshaan iskaashi dhanka amniga ah, kaas oo sidoo kale sare loogu qaadayo tababarada aqoonta ciidamada Booliska ee labada dal.

Heshiiskan ayaa la filayaa in loo gudbiyo madaxda sare ee waddamada Soomaaliya iyo Ethiopia, si ay ula socdaan heshiiskan amniga la xiriira ee u dhexeeya labada dal.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here