Sawirro: Dowladda Soomaaliya oo ciidamo horleh geysay Gaalkacyo

0

GAALKACYO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo horleh waxa ay u dirtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay ka bilaabanayaan abaabul ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamadan oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah waxa ay ku gaareen koonfurta magaaladaas oo lagu soo dhaweeyay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabayaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Galmudug ayaa haatan isku diyaarineyso inay duulaan ku qaado Al-Shabaab, si looga saaro gobollada dhexe ee dalka oo ay weli ka heystaan degmooyin iyo deegaano dhowr ah.

Al-Shabaab ayaa haatan wajahaya gulufkii ugu xooganaa oo uga imaanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee haatan howlgallada ka wado gobollada dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here