Sawirro: Duqa Muqdisho oo kulan la yeeshay wafdi ka socday UNHCR

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hey’adda Qaxootiga Aduunka (UNHCR) u Qaabilsan Soomaaliya Mudane Magatte Guisse. Iyagoona ka wada hadlay xaalada Barakacayaasha ku sugan Magaalada Muqdisho iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu warbixiyay Mudane Magatte in Magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ugu badan ee kasoo barakacay Abaaraha iyo Colaadaha ka jira Gobolada dalka, iyadoona Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Bulshadiisa ay gacan ka geysteen sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, balse ay dadkaasi u baahan yihiin wax dhaafsiisan gargaar oo ah in xal waara loo helo.

UNHCR iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isla qaatay in Qorshe hortabineed oo wadajir ah ay ka yeeshaan sidii dib-u-dajin iyo shaqo  abuur loogu sameen lahaa dadkaasi, isla markaana caruurtooda ay u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Caafimaad si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here