Sawirro: Duqa Muqdisho oo la kulmay maamullada degmooyinka G/Banaadir

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa sugida nabadgalyada, la dagaalanka isticmaalka maandooriyaasha, ka hortaga rabshadaha.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday dib u furista wadooyinka sida sharci darada loo dhistay, kor u qaadista Nadaafada iyo isku xirka degmooyinka gobolka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here