Faah-faahino ka soo baxaya qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay bartamaha magaalada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro taliyihii C.I.D ee Beledweyne, Jamaal Axmed Jaamac ayaa ku geeriyooday weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen 5 qof oo kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, ayada oo shaaca ka qaaday inay la beegsatay saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana Halgan ka soconaya howlgallo ay halkaasi ka wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo ku sugan deegaankaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalin kahor ay Al-Shabaab saddex qarax ka fulisay magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here