Sawirro: Faahfaahino ka soo baxaya dab xoogan oo ka kacay Bakaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay saq-dhexe ka kacay gudaha suuqa weyn ee Bakaraaha ee magaalada Muqdisho.

 

Dabka ayaa ka billowday qaybta lagu iibiyo Maacuunta, wuxuuna ku sii fiday dhammaan goobaha ganacsi ee ka agdhowaa halkaasi.

Gaadiidka dab damiska gobolka Banaadir iyo kuwa ay si gaar ah u leeyihiin shirkado ganacsi ayaa ku guuleystay daminta dabkan oo ahaa mid aad u ballaaran.

Lama oga waxa sababay dabkan khasaaraha badan geystay, balse waxaa socdo baaris ay wadaan hay’adaha amniga oo xalay goobta gaaray, si ay u sugaan amniga.

Sidoo kale ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa la filayaa in saaka ay ka warbixiyaan khasaaraha guud ee ka dhashay dabkan oo ay ku hanti beeleen ganacsato badan.

Suuqa Bakaaraha ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale u gubtay, waxaana ka dhashay khasaare lixaadleh iyo burbur xoogan oo soo gaaray ganacsiga suuqaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here