Sawirro: Farmaajo oo la kulmay qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Munaasabadda Xuska halgameyaashii SYL awgeed xaflad maamuus ah la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in caqabadaha dib dhigay dalkeenna lagaga gudbi karo in dhallinyaradeennu ay raacaan dhabbihii Halyeeyadii SYL ee mideeyey cududda iyo caqliga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii Ururkii Gobanimo Doonkii SYL ay kala tallaabeen caqabado iyo jallaafooyin waawayn oo gumaystuhu ku wiiqayey halgankooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi.

“Dadka Soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska Halgameyaashii SYL iyo in ay iftiinsadaan dhaxalkii waddaniyadeed ee ay uga tageen. Dhallinyaradii SYL waxa ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siisay awoodsiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo kor loo qaaday doorkooda hoggoominta dalka iyo shaqo-u-abuurka, waxaana xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti oo ay ku dhibaataysnaayeen laga soo daayey boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynta amniga, xoojinta midnimada iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo ku boorriyey in ay dadaalladooda sii labo jibbaaraan si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo la jaanqaadi karta dowladaha kale ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here