Sawirro: Galmudug oo gargaar gaarsiisay shacabka ku dhaqan degmada Xarardheere

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe, qaar ka mid wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada Wasiiru Dowlayaasha dowladda Galmudug, maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Xarardheere ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiiyay dadkii ka barakacay degmada Xarardheere, kuwaas oo wajahaya xaalad bini’aaddanimo.

 

Wasiir Gaboobe oo la hadlay dadkii la gaarsiiyay deeqdan raashinka ah ayaa u sheegay in la xaqiijiyay ammaanka degmada Xarardheere, ayna dib ugu soo laabtaan guryahooda, si ay u helaan daryeel iyo adeeg bulsho oo dhammeystiran.

Xarardheere ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyey ee la-gala wareegay Al-Shabaab oo muddo fog ka talineysay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here