Sawirro: Sidee Geelle, Abiy iyo Uhuru loogu soo dhaweeyey Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemo-saarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdiga la socda ayaa soo dhoweyn heerkeedu sareeyo loogu sameeyey muqdisho iyadoo ay soo dhowaynta qayb ka ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka Garab istaagay dhismaha Dowladdnimada Soomaliya tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii dowladii dhexe.

Sidoo kale Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey Rooble iyo safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Uhuru oo ka qayb-galaya caleema saarka Madaxweynaha cusub ayaa waxaa socdaalkiisa uu kusoo aadayaa, xilli uu dalka ka dhacay isbedal, kadib doorashadii 15-kii May.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale yimid magaalada Muqdisho, waxaana ku wehlinaya safarka wasiirkiisa maaliyada & Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo iyaguna ka qayb-galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here