Sawirro: Golaha deegaanka degmada Waajid oo guddoomiye doortay

0

Gollaha Deegaanka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa Guddoomiye u doortay Mudane Maxamed Macalin Yuusuf, halka Guddoomiye Ku-xigeena ay u doorteen Mudane Mukhtaar Maxamed Aw-dheere, kadib doorasho maanta ka dhacday degmadaas.

Doorashada Guddoonka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sida wasiirrada Arrimaha Gudaha, Maaliyada, Amniga iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Waa markii ugu horeysay oo Golle Deegaan laga dhisay degmada Waajid, kuwaas  oo doortay Guddoomiye, waxaana degmooyinka kale ee Koonfur Galbeed ka socdo dadaallo lagu dhisayo goleyaasha deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here