Guddiga doorashooyinka dalka oo gaaray Dhuusamareeb + Sawirro

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka Soomaaliyaa Maxamed Xasan Cirro ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiye Maxamed Cirro iyo wafdigiisa la socday oo qayb uu ka yahay guddoomiye ku-xigeenka guddigga xalinta khillaafaadka Maxamed Ibraahim Barre ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Gudddoomiyaha Guddigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, Maxamed Dahir Guuleed iyo xubnaha kale ee Guddiga.

Ujeedka Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal ee gaaray Dhuusamareeb  ayaa waxaa uu yahay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliy oo la filayo inay ka bilaabato Magaalada Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha Gudigga maamulka doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug, Maxamed Dahir Guuleed ayaa oo hadlay soo dhoweyn ka dib ayaa bogaadiyay howlaha muhiimka ah ee guddiga u qabsoomay.

Sidoo kale, Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro oo warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in safarkoodan daaran yahay in kulamo kala duwan la qaataan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug, iyagoona ka wada hadli doona qabsoomida doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here