Sawirro: Guddiga doorashooyinka oo doortay guddoomiye iyo ku xigeen

0
Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal  ayaa maantay doortay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya isagoo loo doortay Maxamed Xasan Cirro oo u kula tartamay Liibaan Axmed Xasan.

Maxamed Xasan Cirro ayaa wareegi labad ku guuleystay codad gaaray ilaa 14-cod halka u helay Liibaan Axmed Xasan 10 codadka dorrashada.

guddiga hirgalinta doorashooyinka ayaa ka koobaan ilaa 25 xubnood iyadoo ay soo xaadireen goobta doorashada 24 xubnood oo ka mid ah guddiga, xubin ka mid ahna ay ka maqneyad.

Guddoomiyaha cusub ee la doortay Maxamed Xasan Ciro ayaa waxaa horyaala habsim u socodka doorashooyinka dalka dhawaan ka qabsoomi doona.

Dhanka kale waxaa guddoomiye ku xigeenka guddiga hirgalinta doorashooyinka ayaa waxaa loo doortay heer Federal Qareen Mawliid Mataan Salaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here