Sawirro: Guddoomiyaha BF Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyay ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada ahan Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu Hogaaminayo.

Xubno ka tirsan Labada Gole, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, Saraakisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa soo dhoweynta ka qeyb qaatay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka soo duulay degmada Xudur ee xarunta gobolka Balool, halkaas oo uu ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here