Sawirro: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeer sameeyey + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehlinayeen xubno ka mid ah golaha ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono xaruntaasi.

Guddoomiyaha ayaa  guud ahaan kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee  xarunta Golaha Shacabka waxaana uu horay u ballan qaaday in dib u dhis balaadhan uu ku  sameyn doono mustaqbalka dhow, asagoo Sidoo kalena sheegey in dhismaha lagu soo kordhin doono qayb Machad aqoon kororsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here