Sawirro: Guddoomiyaha guddiga FEIT oo gaaray magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Mudane Muuse Geelle ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta Dowladda Jubbaland.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan ku-xigeenka guddiga iyo labo xubnood oo kale oo katirsan guddiga FEIT ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka SEIT Jubbaland iyo xubno kale.

Ujeedka socdaalka guddiga ayaa daaran korjoogtaynta doorashada 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland iyo sido kale kursiga berri lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee summadiisu tahay HOP#079.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here