Guddoomiyaha guddiga gurmadka ee Wasaaradda Caafimaadka oo gargaar ku wareejiyay Jubbaland

0

DHOOBLEY (SMN) – Guddoomiyaha guddi hoosaadka gurmadka ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Guuleed Cabdi Jaliil ayaa maanta gargaar ku wareejiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu weheliyo guddoomiyaha degmada Dhoobley, si loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan.

Gargaarkan oo ay dirtay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda hoose lagu gaarsiisay labo diyaaradood oo siday daawo iyo raashin, si gacan looga geeysto baahida ay qabaan dadka ku nool degmadaas iyo deegaanada hoos yimaada.

Dhawaan ayey aheyd markii degmada Dhoobkey ay kasoo yeertay qeylo dhaan ku aadaneyd shuban biyood ka dilaacay degmadaasi, waxaan maanta deeqdan dawada ah ee ay qorsheysay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu dambeyntii la gaarsiiyey bulshadii u baahneyd.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here