Sawirro: Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo dalab culus u gudbiyay Imaaraadka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta gudaha Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

 

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay doorka dowladda Imaaraadka ee la tacaalida arrimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta.

Ugu horreyn gudoomiyaha ayaa dowladda iyo shacabka Imaaraadka kaga mahadceliyay garab istaagga ay xilliyada adag u muujiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday in ay sii wadaan dadaalka iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed, asigoo si gaar ah kaga dalbaday dowladda Imaaraadka in lagala shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xoreeyay xoogaga Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here