Cabdi Xaashi oo la kulmay ergayga Finland ee nabadaynta Geeska Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen hannaanka nabad ku soo dabaalidda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo kaalinta dowladda Finland ka qaadan karto, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, tababarrada iyo dowlad wanaagga.
Sidoo kale ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isna Xafiiskiisa ku qaabilay Maanta, Mudane Suldaan Saciid Axmed oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Finland, ahna Ergeyga cusub ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika.
Labada Masuul ayaa ka wada hadlay kaalinta Finland ee arrimaha Dhab-u-heshiisiinta iyo nabadda.
Suldaan Saciid ayey Dowladda Finland soo magacawday dhawaan si uu u dardar geliyo xiriirada Filand ay la leedahay waddamada Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here