Sawirro: Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qaabilay wafdi ka socdo dalka Finland

0

MUQDISHO (SMN) -Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland.

Suldaanka ayaa waxaa kulankan ku wehliyay Agaasimaha geeska iyo Bariga Africa u qaabilsan Finland, Mudane Jukka Pajarinen.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa ka wada hadlay kaalinta dowladda Finland ay ka gaysan karto taageerada howlaha shaqo ee Aqalka Sare, ka xoraynta Dalka Al Shabaab, dib u heshiisiinta iyo Dowlad Wanaagga.

Sidoo kale waxaa inta uu socday kulankani lagu soo hadal qaaday wada-shaqaynta Golaha Aqalka Sare iyo Baarlamaanka dalka Finland.

Halkan hoose ka daawo Sawirirada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here