Sawirro: Guddoomiye Cali Jayte oo warbixin u gudbiyey Golaha Aqalka Sare

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha  Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Muane Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde} ayaa manta Xarunta Aqalka Sare ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa Guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo  Al-shabaab ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan, wuxuuna guddoomiye Jayte guddoonka u sheegay in ay muhiim tahay in dagaalka la mideeyo oo saf balaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka dalka looga saarayo Al-shabaab  oo uu ku hoggaamiyay shacabka dhiifoon ee Gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here