Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo soo xiray shirweyne muhiim ah

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa soo xiray Shir weynihii 1-aad ee wadatashiga horumarinta waxbarashada Gobalka Banaadir oo Muddo laba cesha ah socday.

Shirkaan ayaa mudadii uu socday waxaa kasoo qeyb galay madaxda daladaha waxbarashada Gobalka Banaadir, aqoonyahano, arday iyo waalidiin waxaa aad looga dooday qodoba dhowr ah oo khuseeya tayeenta waxabarashada Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo shirkaan soo xiray ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir hadafkoodu uu yahay sidii Caasimadda u geeri laheyd isku filnaansho dhanwalba ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here