Sawirro: Sheekh Aadan Madoobe oo weli kulamo ka wada magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta waxaa uu kulan wadajir ah la qaatay guddi ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka, guddiga farsamada shirka iyo culima’udiinka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha oo furitaanka shirka ka dib kulamo kala duwan la qaadanaayay ururada bulshada rayidka oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka iyo culimadda ayuu maanta kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee matala odayaasha dhaqanka, culimadda iyo Guddiga Farsamada Shirka ayaa waxay uga doodeen qiimeynta iyo in baaritaan lagu soo sameeyo xal u helida dhacdooyinkii dhacay iyo xalinta caqabadaha kale ee taagan, iyadoo guddigu uu warbixintooda kusoo celin doonan Golaha Malaaqyada Dhaqanka, Guddiga Farsamada iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.

DHAMMAAD.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here