Sawirro: Guddoomiye Yuusuf Madaale oo qaabilay wafdi ka socday dalka Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ku saabsan hirgalinta mashaariic waxtar u leh bulshada Caasimada la qaatay Xiriiriyaha Hey’adda TIKA ee Soomaaliya, MR. Ilhami Turus.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga D.hoose ee Muqdisho iyo Hey’adda TIKA, Dhismaha warshad ay ka faaideysan doonaan Bulshada Caasimada.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay fulinta heshiiska mataaneynta Konya iyo Muqdisho iyadoona la isku afgartay in Maamulka sare ee Konya lagu casuumi doono Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here