Sawirro: Hantidhawraha guud ee qaranka oo la kulmay safiirka dowladda Norway

0

MUQDISHO (SMN) – Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa maanta qaabilay Madaxa Iskaashiga ee Safaaradda Boqortooyada Norway ee dalka Kenya Mudane Erling Hess Johnsen.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada dib-u-habaynta hannaanka Maaraynta Maaliyadda Dalka.

Norway waxay qayb ka tahay bahwadaagta muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka kaashato dib u dhiska hay’adaha iyo hormarinta dowlad wanaagga.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here