Sawirro: Hormuud Salaam Foundation oo Oxygen ku wareejisay DF Soomaaliya

0

Hormuud Salaam Foundation ayaa 400 oo haamood oo Oxygen ah ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loogula tacaalo dadka uu soo ritay xanuunka Covid-19 ee dalka ku soo labakacleeyay.

Guddoomiyaha hay’adda Hormuud Salaam Foundation,Cabdullaahi Cismaan Nuur ayaa sheegay in qalabkani uu qeyb ka yahay kaalinta Hormuud ka qaadaneyso xakameynta Caabuqa COVID-19 ee dalkeenna fara ba’an ku haya. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in dhawaan ay dalka soo gaari doonto warshad soo saarta oxygen-ta oo ay soo iibisay Hormuud Salaam Foundation.

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Ibraahim Nuur  oo goobjoog ka ahaa munaasabadda wareejinta qalabkan ayaa uga mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation kaalinta ay ka qaadaneyso la tacaalidda xanuunka  COVID-19 kuna boorriyay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatadu in ay kaalintooda ka qaataan la dagaallanka cudurkan dilaaga ah.

Sidoo kale waxaa goobta hadlay xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo dhammaantood ku baaqay in la isku kaashado xakameynta Caabuqa COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here